Back to Search

Taariikhda Qorista iyo Horumarinta af Soomaaliga: Horumar, Dibudhac, iyo Dibuhinqasho

PUBLISHER Xarunta Dhaxalreeb Publications (09/18/2024)
PRODUCT TYPE Hardcover (Hardcover)

Description

QORAALKAN WAA BUUGGII UGU HORREEYAY ee ay diyaariso Xarunta Horumarinta Hoggaaminta Dhaxalreeb. Soo saaridda buuggan "Taariikhda Qorista iyo Horumarinta af Soomaaliga" waxay qayb ka tahay hindisaha Xarunta Dhaxalreeb ee fursad loogu abuurayo aqoonyahannada jiilka cusub inay xog iyo xikmad kala haraan dadkii waayo hore u soo joogay.

Buugga waxaa lagu soo ururiyay aragtiyada iyo waaya-aragnimada xeeldheerayaal afka iyo suugaanta Soomaaliyeed u dhuundaloola. Wuxuu akhristaha u suurtagelinayaa inuu si qumman uga bogto labeenta aqoonyahannada mowduucan. Buugga wuxuu u habaysanyahay cutubyo mid waliba si qotadheer loogu soo qaadayo mowduuc gaar ah oo la xiriira farta iyo afka Soomaaliyeed: taariikhda qorista far Soomaaliga, qorista farta iyo waxbarashada, cilmibaarista afka, iyo afka iyo suugaanta.

Su'aalaha buugga uu ka jawaabayo waxaa ka mid ah: Maxaa farta Latin-ka looga doorbiday Carabiga iyo Cusmaaniyada? Yaa curiyay farta rasmiga ah ee Soomaalidu maanta adeegsato? Saamayn intee le'eg ayay qorista farta ku yeelatay waxbarashada? Waa maxay xiriirka ka dhexeeya afka iyo suugaanta? Af Soomaaliga iyo waxbarashada dalka xaggee ayay maanta kala joogaan? Waxaa buugga uu iftiiminayaa lagama maarmaannimada in la iskuxiro wixii shalay qabsoomay ama xumaaday, maanta xaaladda aan ku jirno, iyo tallaabooyinka loo baahanyahay in la qaado si wax loo toosiyo.

Buuggan waxaa loogu talagalay cid kasta oo danaynaysa inay hesho xogta aasaasiga ah ee afka Soomaaliga qoristiisa iyo guulihii laga gaaray. Wuxuu si gaar ah baraarujin ugu yahay da'da cusub ee aqoonyahannada ah. Waxaa si fiican uga faa'iidaysan kara cilmibaarayaasha oo ay ku jiraan ardada jaamacadaha ee qorshaynaya inay ku biiraan cilmibaarayaasha afka iyo suugaanta.

Show More
Product Format
Product Details
ISBN-13: 9781912411955
ISBN-10: 1912411954
Binding: Hardback or Cased Book (Sewn)
Content Language: Somali
Edition Number: 0002
More Product Details
Page Count: 196
Carton Quantity: 30
Product Dimensions: 6.00 x 0.56 x 9.00 inches
Weight: 1.01 pound(s)
Country of Origin: US
Subject Information
BISAC Categories
Education | Teaching - Subjects - Language Arts
Education | Writing - Academic & Scholarly
Education | Linguistics - Historical & Comparative
Descriptions, Reviews, Etc.
publisher marketing

QORAALKAN WAA BUUGGII UGU HORREEYAY ee ay diyaariso Xarunta Horumarinta Hoggaaminta Dhaxalreeb. Soo saaridda buuggan "Taariikhda Qorista iyo Horumarinta af Soomaaliga" waxay qayb ka tahay hindisaha Xarunta Dhaxalreeb ee fursad loogu abuurayo aqoonyahannada jiilka cusub inay xog iyo xikmad kala haraan dadkii waayo hore u soo joogay.

Buugga waxaa lagu soo ururiyay aragtiyada iyo waaya-aragnimada xeeldheerayaal afka iyo suugaanta Soomaaliyeed u dhuundaloola. Wuxuu akhristaha u suurtagelinayaa inuu si qumman uga bogto labeenta aqoonyahannada mowduucan. Buugga wuxuu u habaysanyahay cutubyo mid waliba si qotadheer loogu soo qaadayo mowduuc gaar ah oo la xiriira farta iyo afka Soomaaliyeed: taariikhda qorista far Soomaaliga, qorista farta iyo waxbarashada, cilmibaarista afka, iyo afka iyo suugaanta.

Su'aalaha buugga uu ka jawaabayo waxaa ka mid ah: Maxaa farta Latin-ka looga doorbiday Carabiga iyo Cusmaaniyada? Yaa curiyay farta rasmiga ah ee Soomaalidu maanta adeegsato? Saamayn intee le'eg ayay qorista farta ku yeelatay waxbarashada? Waa maxay xiriirka ka dhexeeya afka iyo suugaanta? Af Soomaaliga iyo waxbarashada dalka xaggee ayay maanta kala joogaan? Waxaa buugga uu iftiiminayaa lagama maarmaannimada in la iskuxiro wixii shalay qabsoomay ama xumaaday, maanta xaaladda aan ku jirno, iyo tallaabooyinka loo baahanyahay in la qaado si wax loo toosiyo.

Buuggan waxaa loogu talagalay cid kasta oo danaynaysa inay hesho xogta aasaasiga ah ee afka Soomaaliga qoristiisa iyo guulihii laga gaaray. Wuxuu si gaar ah baraarujin ugu yahay da'da cusub ee aqoonyahannada ah. Waxaa si fiican uga faa'iidaysan kara cilmibaarayaasha oo ay ku jiraan ardada jaamacadaha ee qorshaynaya inay ku biiraan cilmibaarayaasha afka iyo suugaanta.

Show More
List Price $35.00
Your Price  $34.65
Hardcover