Back to Search

Miisaanka Caddaaladda & Muhiimadda Sharciga

AUTHOR X. Xasan, Xirsi Cali
PUBLISHER Sagaljet (06/24/2025)
PRODUCT TYPE Paperback (Paperback)

Description
Dhiganahan/Buuggan "Miisaanka Caddaaladda iyo Muhiimadda Sharciga" waa dhigane qiimo badan oo xanbaarsan aqoon ballaadhan oo shuruucda dalka ku saabsan. Waxa uu sidaa xog qof kasta oo akhriya kor u qaadaysa ogaalkiisa nidaamka caddaaladeed ee dalku sida uu u shaqeeyo, islamarkaana xoojinaysa fahamkiisa ku aaddan Waaxda Garsoorka ee Qaranka.

Buuggani waxa uu marjac iyo misbaax uu wax ku iftiinsado u noqon karaa ardayda kala duwan ee
dhigata sharciga. Si taas la mid ah, waxa uu hage iyo indho fur u noqon karaa qof kasta oo raba in uu cilmibaadhis ku sameeyo nidaamka caddaaladeed ee dalka, gaar ahaan waaxda garsoorka. Waa buug u hadlaya guud ahaan bulshada oo sida ku cad uu qoraagu rabo in ay hesho nidaam caddaaladeed oo hufan.

Buuggani waxa uu si gaar ah hiil ugu yahay bahda garsoorka oo uu soo bandhigayo duruufaha adag
ee ay ku shaqeeyaan iyo sida loogu baahi qabo in la helo garsoor madax bannaan oo dhexdhexaad ah.

Dhinaca kale, awaa buug xanbaarsan yididiilo iyo rejo aad u weyn oo ah in la joogo xilligii garsoorka dalka dib u habayn dhab ah lagu samayn lahaa. Waayo? Qoraaga buuggu maaha qof shacab ah oo aan codkiisu meel dheer gaadhayn, ee waa Guddoomiyhii xisbul xaakimka dalka oo codkiisu wax badan beddeli karo, islamarkaana xilligan la joogo awood u leh in uu madaxweynaha dalka iyo madaxda kale ee hadda talada haysa uu arintaa wax ka qabashadeeda gacan ka siiyo. Haddii Ilaahay idmo oo uu talada dalka qabtana laga ulan karo in uu ka qaban doono dulmiga iyo caddaalad-darrada garsoorka lagaga cabanayo. Maadaama oo uu fahan buuxa ka haysto baaxadda dulmiga jira iyo halka eelku ka imanaayo ee ay sartu ka qudhantay.

W/Q. Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed (Mandela)

Hargeysa, Soomaaliland
021/05/2025

Show More
Product Format
Product Details
ISBN-13: 9789698192006
ISBN-10: 969819200X
Binding: Paperback or Softback (Trade Paperback (Us))
Content Language: Afrikaans
More Product Details
Page Count: 488
Carton Quantity: 16
Product Dimensions: 6.00 x 0.98 x 9.00 inches
Weight: 1.42 pound(s)
Country of Origin: US
Subject Information
BISAC Categories
Law | General
Descriptions, Reviews, Etc.
publisher marketing
Dhiganahan/Buuggan "Miisaanka Caddaaladda iyo Muhiimadda Sharciga" waa dhigane qiimo badan oo xanbaarsan aqoon ballaadhan oo shuruucda dalka ku saabsan. Waxa uu sidaa xog qof kasta oo akhriya kor u qaadaysa ogaalkiisa nidaamka caddaaladeed ee dalku sida uu u shaqeeyo, islamarkaana xoojinaysa fahamkiisa ku aaddan Waaxda Garsoorka ee Qaranka.

Buuggani waxa uu marjac iyo misbaax uu wax ku iftiinsado u noqon karaa ardayda kala duwan ee
dhigata sharciga. Si taas la mid ah, waxa uu hage iyo indho fur u noqon karaa qof kasta oo raba in uu cilmibaadhis ku sameeyo nidaamka caddaaladeed ee dalka, gaar ahaan waaxda garsoorka. Waa buug u hadlaya guud ahaan bulshada oo sida ku cad uu qoraagu rabo in ay hesho nidaam caddaaladeed oo hufan.

Buuggani waxa uu si gaar ah hiil ugu yahay bahda garsoorka oo uu soo bandhigayo duruufaha adag
ee ay ku shaqeeyaan iyo sida loogu baahi qabo in la helo garsoor madax bannaan oo dhexdhexaad ah.

Dhinaca kale, awaa buug xanbaarsan yididiilo iyo rejo aad u weyn oo ah in la joogo xilligii garsoorka dalka dib u habayn dhab ah lagu samayn lahaa. Waayo? Qoraaga buuggu maaha qof shacab ah oo aan codkiisu meel dheer gaadhayn, ee waa Guddoomiyhii xisbul xaakimka dalka oo codkiisu wax badan beddeli karo, islamarkaana xilligan la joogo awood u leh in uu madaxweynaha dalka iyo madaxda kale ee hadda talada haysa uu arintaa wax ka qabashadeeda gacan ka siiyo. Haddii Ilaahay idmo oo uu talada dalka qabtana laga ulan karo in uu ka qaban doono dulmiga iyo caddaalad-darrada garsoorka lagaga cabanayo. Maadaama oo uu fahan buuxa ka haysto baaxadda dulmiga jira iyo halka eelku ka imanaayo ee ay sartu ka qudhantay.

W/Q. Garyaqaan Jamaal Xuseen Axmed (Mandela)

Hargeysa, Soomaaliland
021/05/2025

Show More
List Price $29.99
Your Price  $29.69
Paperback