Mam Iyo Siin
| AUTHOR | Gaanni, Maxammed |
| PUBLISHER | Looh Press (07/01/2024) |
| PRODUCT TYPE | Paperback (Paperback) |
Buuggaan oo aan markii labaad dib u turjumay waxa uu inoo sidaa laba sheeko, laba jacayl, amaba afar. Laba barbaar oo dhinac ah, laba barbaar oo dhinac kale ah, laba walaal oo dhan ah iyo laba saaxiib oo dhan kale ah. Macaan iyo kharaar, kul iyo qabow, guul iyo guuldarro, raf iyo raaxo, silic iyo sareedo, iyo dareenno badan ayaa uu inoo sidaa, waxaana la gu xardhay erayo amakaag iyo ashqaraar leh oo ay isa ga dambeeyeen laba sheekh, laba suufi, laba suugaanyahan, laba daaci, laba qoraa, laba fiqi oo labaduba Kurdi ahaa. Waxaa markii hore i waday jacaylka afkeenna iyo hayaanka tanaadintiisa iyo macaanka sheekadaan sida ay ugu qalanto in ay dhitadiisa ka mid noqoto. Markaa hore waxaan horjeed ku mamman sheekadaan, markaan dambana waxaan islahaa ha kuu noqoto naqdiin afkeennana mar kale dhitadiisa sii kordhisa. Haddii ay tii hore tan ka macaan tahay waan ka cudurdaaranayaa, daliilna waxay iigu noqonaysaa in jacaylkii iyo mammaantii hore ay iga dhinteen, ruuxdayduna ay sii faaruqgaraacaysa. Haddii ay tani tii hore kaa la heer sarraysana, waxaan ku faraxsanahay in aanay ruuxdaydu wada hooban, sidii hore ka badanna aan sheekadaan ugu mammanahay, afkeennana aan weli ilmihiisii ahay.
Ka bogasho wacan iyo xulasho wanaagsan dhammaanteen.