Back to Search

Xabsigaygii: Xusuus Qorkii Baresare Yuusuf Xirsi Axmed

AUTHOR Axmed, Yuusuf Xirsi
PUBLISHER Looh Press Ltd (08/11/2022)
PRODUCT TYPE Paperback (Paperback)

Description

"Xabsigaygii" waxaa loogu talo galay inuu fikrad ka bixiyo xabsigii "ii hay" ee qoraha buugga, oo socdey muddo labo sano ku dhow (22 bilood iyo 10 beri, laga bilaabo 19 May 1976kii ilaa 27 Maars 1978kii). "ii hay" wuxuu ahaa eraygii loo adeegsan jirey xarigga siyaasadeed oo aan qofka la xiray wax eed ah lagu soo oogi jirin, maxkamadna aan la soo hor taagi jirin, ee uun waxaa loogu talo galay inuu fikrad ka bixiyo xabsigii "ii hay" ee qoraha buugga, oo socdey muddo labo sano ku dhow (22 bilood iyo 10 beri, laga bilaabo 19 May 1976kii ilaa 27 Maars 1978kii). "ii hay" wuxuu ahaa eraygii loo adeegsan jirey xarigga siyaasadeed oo aan qofka la xiray wax eed ah lagu soo oogi jirin, maxkamadna aan la soo hor taagi jirin, ee uun inta' xabsiga la dhigo loo deyn jirey hadba muddadii lays yiraahdo qofkaas edbin waa ugu filan tahay. Sababta aan qofka noocaas ah eedayn danbi loogu soo jeedin jirin, maxkamadna loo hor keeni jirini waxay ahayd inaan wax eed ah oo cad lagu haynnin ee arrintu ahayd iga qari oo keli ah.

Qoraalkaan loolama jeedo in fikrad buuxda looga dhiibto nidaamkii siyaasadeed ee waqtigii dhacdaalahaani dhacayeen dalka ka jirey. Taasi waxay u baahnaan lahayd qoraal intaan ka baaxad weyn, waqti intaan ka dheer iyo xog ogaalnimo inta aan hayo ka badan. Hase ahaatee, ma reebbanaan doonto inaan wax uunaaya ka iraahdo - halka iyo halkooba- nidaamkaas isaga ahaa. Maadaama waqtigii ay arrimaha aan halkaan kaga hadli doonaa ila soo gudboonaadeen ay ka soo wareegtey muddo gaaraysa 22 sano, waxaan shaki ku jirin inaan illoobey magacyo, meelo iyo dhacadaalo la xiriira arrintaan. Sidaas awgeed waxaan cudadaar faxan weydiisanayaa qof kasta oo ka hela qoraalkaan waxyaalo aan heerkii sugnaanta ee la rabey oofsannin. Way ila habboonaan lahayd haddii raggii aan xabsiga wada galnay qaarkood uu dhammays tiro wixii aan ka tegey, wixii aan qaldayna uu saxo."

Sidoo kale buuggan waxaa la socda qoraal uu qoray Baresare Yuusuf Xirsi Axmed oo kala ah:

  • HALGANKII GOBANNIMADOONKA EE GOBOLADA KOONFUREED: Waa qoraal uu ku soo koobaya taariikhdii gobonnimadoonka Soomaaliya iyo dadkii u halgamay.
  • SHEEKOOYIN SOOMAALIYEED: Waa sheekoooyin caan ah oo uu soo koobayo si ka duwan qaababka sheekooyinka soomaaliyeed loo isticmaalo.

PROFESSOR YUUSUF XIRSI AXMED waa qoraa ka mid ahaan jirey xubnaha Guddigii Afsoomaaliga iyo Akademiyadii Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta intii u dhexaysey 1972-1991. Wuxuu ku dhintay London, 2006 laguna aasay Gaalkacyo, Soomaaliya. Wuxuu ka tagey shan caruur ah iyo xaas.

Show More
Product Format
Product Details
ISBN-13: 9781912411412
ISBN-10: 1912411415
Binding: Paperback or Softback (Trade Paperback (Us))
Content Language: Somali
More Product Details
Page Count: 134
Carton Quantity: 50
Product Dimensions: 5.50 x 0.34 x 8.50 inches
Weight: 0.33 pound(s)
Country of Origin: US
Subject Information
BISAC Categories
Biography & Autobiography | African American & Black
Biography & Autobiography | Political
Biography & Autobiography | Memoirs
Descriptions, Reviews, Etc.
publisher marketing

"Xabsigaygii" waxaa loogu talo galay inuu fikrad ka bixiyo xabsigii "ii hay" ee qoraha buugga, oo socdey muddo labo sano ku dhow (22 bilood iyo 10 beri, laga bilaabo 19 May 1976kii ilaa 27 Maars 1978kii). "ii hay" wuxuu ahaa eraygii loo adeegsan jirey xarigga siyaasadeed oo aan qofka la xiray wax eed ah lagu soo oogi jirin, maxkamadna aan la soo hor taagi jirin, ee uun waxaa loogu talo galay inuu fikrad ka bixiyo xabsigii "ii hay" ee qoraha buugga, oo socdey muddo labo sano ku dhow (22 bilood iyo 10 beri, laga bilaabo 19 May 1976kii ilaa 27 Maars 1978kii). "ii hay" wuxuu ahaa eraygii loo adeegsan jirey xarigga siyaasadeed oo aan qofka la xiray wax eed ah lagu soo oogi jirin, maxkamadna aan la soo hor taagi jirin, ee uun inta' xabsiga la dhigo loo deyn jirey hadba muddadii lays yiraahdo qofkaas edbin waa ugu filan tahay. Sababta aan qofka noocaas ah eedayn danbi loogu soo jeedin jirin, maxkamadna loo hor keeni jirini waxay ahayd inaan wax eed ah oo cad lagu haynnin ee arrintu ahayd iga qari oo keli ah.

Qoraalkaan loolama jeedo in fikrad buuxda looga dhiibto nidaamkii siyaasadeed ee waqtigii dhacdaalahaani dhacayeen dalka ka jirey. Taasi waxay u baahnaan lahayd qoraal intaan ka baaxad weyn, waqti intaan ka dheer iyo xog ogaalnimo inta aan hayo ka badan. Hase ahaatee, ma reebbanaan doonto inaan wax uunaaya ka iraahdo - halka iyo halkooba- nidaamkaas isaga ahaa. Maadaama waqtigii ay arrimaha aan halkaan kaga hadli doonaa ila soo gudboonaadeen ay ka soo wareegtey muddo gaaraysa 22 sano, waxaan shaki ku jirin inaan illoobey magacyo, meelo iyo dhacadaalo la xiriira arrintaan. Sidaas awgeed waxaan cudadaar faxan weydiisanayaa qof kasta oo ka hela qoraalkaan waxyaalo aan heerkii sugnaanta ee la rabey oofsannin. Way ila habboonaan lahayd haddii raggii aan xabsiga wada galnay qaarkood uu dhammays tiro wixii aan ka tegey, wixii aan qaldayna uu saxo."

Sidoo kale buuggan waxaa la socda qoraal uu qoray Baresare Yuusuf Xirsi Axmed oo kala ah:

  • HALGANKII GOBANNIMADOONKA EE GOBOLADA KOONFUREED: Waa qoraal uu ku soo koobaya taariikhdii gobonnimadoonka Soomaaliya iyo dadkii u halgamay.
  • SHEEKOOYIN SOOMAALIYEED: Waa sheekoooyin caan ah oo uu soo koobayo si ka duwan qaababka sheekooyinka soomaaliyeed loo isticmaalo.

PROFESSOR YUUSUF XIRSI AXMED waa qoraa ka mid ahaan jirey xubnaha Guddigii Afsoomaaliga iyo Akademiyadii Cilmiga, Fanka iyo Suugaanta intii u dhexaysey 1972-1991. Wuxuu ku dhintay London, 2006 laguna aasay Gaalkacyo, Soomaaliya. Wuxuu ka tagey shan caruur ah iyo xaas.

Show More
List Price $15.00
Your Price  $14.85
Paperback